Cumar Filish oo Hadiyad Gudoonsiiyay Duqa magaalada Durban (Daawo Sawirada)

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Filish oo ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa la kulmay duqa magaalada Durban ee gobolka Kwazulu Natal.

Duqa magaalada Muqdisho iyo xubno la socday ayaa xafiiska waxa ay ku booqdeen Duqa magaalada Durban, waxa ayna labada dhinac wada hadleen sidii xiriir wanaagsan iyo wadashaqeyn dhaw u yeelan lahaayeen.

Cumar Filish ayaa Duqa magaalada Durban gudoonsiiyay hadiyado ay kamid ahaayeen dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliya , waxaana duqa Durban ku labistay dharka hinadaha iyo dhaqanka ee la gudoonsiiyay.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa dalka Koonfur Afrika uga qeyb galaya  Shirka Caalamiga ee Duqa magaalooyinka, waxaana la filayaa Duqa Muqdisho Cumar Filish uu shirkaasi khudbad ka jeediyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -