Madaxweyne Macron oo Kheyre kusoo dhaweeyay Madaxtooyada Faransiiska

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa aqalka madaxtooyada dalkiisa kusoo dhaweeyay wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ee ka qayb gelaya madasha Nabadda Paris.

Soo dhaweynta ayaa qayb ka aheyd casharo sharaf uu madaxweynuhu aqalka madaxtooyada ugu sameynayay guud ahaan madaxda kala duwan ee ka qayb geleysa kulanka madasha nabadda Paris.

Madasha nabadda Paris ee Ra’iisul Wasaaruhu uu ka qeyb gelayo oo ah kulan sannadeed caalami ah, ayaa looga hadlayaa xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdiga uu hoggaamiyo ayaa shalay gaaray magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -