Bilyaneer Caan ah oo oo Doorashada Mareykanka kula tartmaya Donald Trump

Michael Bloomberg oo ah bilyaneer soo noqday duqqa magaalada New York ayaa ku biiraya musharraxiinta madaxtinimo ee xisbiga Dimuqraadiga ee doorashada sanadka soo socda ee 2020-ka. Waxaa la sheegayaa inuu ka xareyn doono waraaqaha musharaxnimadiisa gobolka Alabama.

Bloomberg ayaan wali go’aan kama danbeys ah ka gaarin arrintan. Hase yeeshee, qaar ka mid ah dadka la shaqeeya ayaa sheegaya in uu aad uga walaacsan yahay in xubnaha hogaanka u haya ku guuleysiga musharraxa xisbiga Dimuqraadiga ee haatan tartanka ku jira aysan u muuqan iney ka adkaan karaan Madaxweyne Trump bisha bisha November ee sanadka danbe.

Bloomberg ayaa hore uga tirsanaa xisbiga Jamhuuriga isaga oo hadda ah qof aan xisbi ka tirsaney. Waxa uu taageeray musharraxnimadii madaxtinimo ee Hillary Clinton ee doorashadii 2016-kii.

Waxa uu ahaa duqqii Magaalada New York laga soo bilaabo 2002 illaa 2013-kii, wuxuuna si fiican u yaqaanaa Trump oo isna ka yimid New York. Bloomberg ayaa u arka Trump inuu yahay nin halis ah islamarkaana ka badbadiya guulihiisa ganacsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -