Guurkii Awoowayaasheeni Doonistii iyo Aqal Galkii Waagii hore !

QAYBTII LABAAD: Galabtaa aroosaddu waxa ay soo xambaarataa wiil yar, gabadh yarna way soo daadihisaa. Labada carruur waxaa dhalay laba qoys oo ugub ah, wax tamootiyana lahayn, waxaa intaa u dheer oo ay siddaa dhiil caano ka buuxaan. Markay soo gaadhaan aqalka inta aan la gelin saddex goor ayaa lagu soo meeriyaa aroosadda.

Aqalka irriddiisa saddexda maalmood ee hore cadceed soo baxa ayaa loo jeediyaa, saddexda maalmood ee dambana cadceed-dhaca ayaa loo jeediya oo waa caado jirta. Inanku maalintaa geela ayuu dhex tagaa si uu uga soo caano cabo oo galabnimada ayaa dhallinyaradu halkaa ka soo gelbisaa. Salliga Nebiga (CSW) iyo shallaadka ayay ku soo galbiyaan caruuska. Aqalka kadinkiisa markay soo gaadhaan ayay aroosaddu soo baxdaa. Wankii sadaqada ahaa oo ah sumal ayuu aqalka hortiisa ku gawracaa gabadhuna lugaha ayay u qabataa.Way ka tallaabsadaan oo aqalkay toos u galaan. Aqalka udub dhexaadkiisa waxa maalinta arooska oo dhan ku xidhan sameen iyo ceesaan. Aqalka waxaa la goglaa, gogol ay ku seexdaan iyo mid kale oo ay ku seexdaan dharaartii waa la laabaa, midda kale lama laabo maalintay todoba baxaan ayuun baa la laabaa.Wiilka aroosku habeenka koowaad madag aqalka u taal ayuu dab ka ritaa, dabkaa lama bakhtiiyo todobada maalmood. Waxaa kale oo jirta inta uu todoba baxayo waa in uu aroosku aqalkiisa u soo hoydaa inta ay cadceeddu soo jeeddo, haddii cadceedu ka dhacdo dibadda ayuu u hoyan.Todobada maalmood habeen walba waa loo ciyaaraa arooska iyo aroosadda aqalkana lagama maqnaado.Waa in ay dad joogaan oo Soomaalidu waxay ku

Maahmaahdaa,” Aroos lagama raago,lagumana raago.”Maalinta toddoba-baxa gelinka hore arooska iyo aroosaddu aqalka way ka baxaan.Gabadhu aqalka hooyadeed bay tagtaa.wiilkuna xoolihii soofay buu dhex tagaa. Sidii maalintii aqal galka ayaa goor galaba labadaba la soo gelbiyaa. Dumarku galabtaa waxa ay aroosadda ku soo gelbiyaan heestan:

“Hoy Nabi Allow nuur Allow!

Maxamad Nabi samow!

Waa aroos khayr-leh oo ma iisho!

Waa caloola mida oo ma iisho!

Waa ayaan loo dayoo ma iisho !

Allaa adkeeyey oo ma iisho!

Islaan baan nahoo ma iisho !

Aroos khayr-leh aamiin .”

Ragguna waxa ay arooska ku soo gelbiyaan ciyaarta

Wilwilaha:

“Hooy way kaa hidde weeyee, Haddana way kaa hidde weeyee, Walwalleeyoohoow,walwalleehoow, Annagaa reebi ogeynoo, ridda weeyee, Wacays baan soo sidnaa waa wiil, Badhaadhaan daba wadna waa gabadh!”

Dabadeed waa loo soo diiqaa Labada soddohood iyo dumar kale oo qaraabada ka tirsan ayaa soo diiqa. Waxa ay soo diiqaan caano,subag, hadhuudh iyo raashin kale oo maalinta todoba-baxa dadka ka soo qayb gala lagu sooryeeyo. Arooska waxa u gaara muqmad ay ku farayaraysatay soddohdu. Maalinta xigta, aqalkii arooska oo marka hore ka

Dhisnaa goob ka yara baxsan reeraha ayaa reeraha dhexdooda lagu soo furaa.Guud ahaan doonista iyo aqal-galku sidaa quruxda badan bay u dhacaan. Goorta la rari doono wiilkan arooska ah ruux walba waa siduu doono hal sano,laba sannadood iyo in ka badanba.Qaar baa guurin oo inanlayaal noqda.Barnaamijkii war iyo waaya arag oo aan kaga hadlay guurka intaa baan ku soo gabagabaynaynaa qaybtan.Sidoo kale Soomaalidii hore waxa ay guurarka u qeybin jireen todobo nooc oo kala ah:

  1. “Geed fadhiisi”( guur xarago) : Guurkan waa midka gabadha loo soo geed fadhilisto reerkana laga soo doonto is sharaf lahana loo weydiisto waalidkeed. ka dib waalidkeed uu u hibeeyo inanka soo doontay inanta, halkaasna lagu kale qaato wixii yarad iyo gabaati ahaa, gabadhana loogu mehriyo.
  2. ” Masaafeysi”: Guurkani waa guurka gabadha iyo wiilku is la cararaan iyaga oo ka baqanaya in laysku diiddo.
  3. “Dhabar-garaac:” Guurkani waa kan gabadha xoog lagu kaxeysto, wiilka oo ay weheliyaan rag ay asxaab yihiin ama rag ehelkiisa ah.
  4. “Xigsiisan”: Guurkani waa mid loogu talagalay si ay xanaano u helaan u badka rajeyda noqoday,haddii si kale u dhaho waa guurka la siiyo ninka marka ay xaaskiisu ka dhimato walaasheed oo ka yar, waana guur naxariisi ku dheehan tahay.
  5. “Dumaal”: Guurkani waa guur ay ood wadaag yihiin kii aynu hore u xusney ee ahaa xigsiisanka. Guurkani waxa uu yimaada marka uu gabadha saygeedi ka dhinto, waxa isla sidii hore gabadha guursada wiilka walaalkii, kanina waa guur naxariis muujinaya oo caruurti agoonta noqotay daryeelkooda loogu xushay.
  6. “Godobreeb”: Guurkani waa guur haween la is weydaarsado marka ay dagaalo iyo colaado intey qarxaan ka dib dhammaadan markaas ayaa la sameeye guurka noocan ah.
  7. “Heerin”: Noocaan waa nooc aan sheegneyn badankana aan la tix galin jirin waa guur iman jirey marka ay habluhu waa weynaadaan ayna filkood dhaafan, iyaga oo wali guursan ayay sameyn jireen iney safraan oo ay reeraha u hoydaan si loo guursado. Intaa kadib, barbaarta reerahaas ayaa ka naqeysan jiray iyaga koox koox u socdo oo heerin ah mana laaban jirin badankooda oo waa la tix gelin jiray.Waana guur imaan jiray marka ay habluhu waa weynaadaan oo ay filkooda dhaafaan iyaga oo aan wali guursan ayay sameyn jireen inay safraan oo ay reeraha u hoydaan si loo guursado ka dib. Barbaarta reerahaas ayaa ka naqeysan jiray, lyaga kook koox u socdo oo heerin ah, mana ayna badnay inay guur soo waayaan oo ay dib ugu soo noqdaan meeshi ay ka kicitimeen, haddeyba sidaasi dhacdo mid mid in ey soo weydo guur waxa ay ku soo laabaan jirtey reerkii iyadoo xaabo soo xanbaartay.

 

W/Q: Daahir Cumar Faarax (Qadaafi)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -