Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada gobolka Sh/hoose oo qarax lagu dilay

Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada ee maamulka gobolka Sh/hoose  Cumar Maxamed Cilmi (Carabey) ayaa lagu dilay degmada Afgooye sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in Cumar Carabey uu u geeriyooday dhaawacyo culus oo ka soo gaaray qarax loo adeegsaday bam lagu tuuray hoyga uu ka degenaa degmada Afgooye.

Dhaawaca masuulkan ayaa loola cararay markii hore goobaha caafimaadka balse intii loo sii waday ayuu naf baxay sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Afgooye.

Kooxihii bamka tuuray ayaa la sheegay iney ka baxsaday goobta, waxaana sida caadada ah wax yar ka dib goobta gaaray ciidamada amaanka degmada Afgooye oo baaritaano wada.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo Balcad u tagay kormeerka Mashruuc weyn oo Qatar fulineyso (Sawirro)

Cabdi Cade

Xisbiga Sheekh Shariif oo kahor yimid Qorshe ay damacsan yihiin madaxda DF iyo kuwa Dowlad goboleedyada

Cabdi Cade

Maxay ka dhigan tahay in guud ahaan Xildhibaanada golaha shacabka Codka Kalsoonida siiyaan Ra’isul Wasaare Xamse ?

admin
Taboola Ads ---