Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Deni iyo danjire Staffan Tillander? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Garoowe wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander iyo ku-xigeenkiisa Johan Svensson.

Kulanka uu Madaxweynuhu kula qaatay xafiiskiisa safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya ayaa waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ugu horayn Safiirka kusoo dhaweeyey Puntland, waxa uu uga mahadceliyey doorkii dowladda Sweden ku lahayd dib u dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan horumarada kala duwan ee ay dalka ka geysteen.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarineed ee dalka Sweden ka wadaan dalka iyo wadashaqaynta wanaagsan ee ka dhexaysa labada dhinac.

Dhinaca kale safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaan-shihiisa Puntland, waxa uu tilmaamay in ay sharaf u tahay markii ugu horeysey inuu la kulmo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Safiirka ayaa xusay in Soomaaliya iyo dalkiisa, gaar ahaan Puntland ka dhexayso xidhiidh wanaagsan oo dhanka siyaasadda ah, isla mar’ahaantaana uu rajaynayo in la sii xoojiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -