Ilhaan Cumar oo markii ugu horeysay karbaashtay Madaxweyne Donald Trump

Mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Kongareska Mareykanka ayaa si kulul u dhaleeceeyey bayaan uu xalay Madaxweyne Trump ka soo saaray arrinta dilka saxafiga Sacuudiga ee Jamal Kashoqgi oo lagu dilay dalka Turkiga.

Trump ayaa bayaankiisa ku caddeeyay in laga yaabo in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu wax ka ogaa dilka Saxafiga, ayna dhici karto inuusan ogeyn, wuxuuna ku adkeystay in xiriirka uu Sacuudiga la leeyahay uu yahay mid adag.

Ilhaan Cumar oo dhowaan loo doortay xubin ka tirsan congreska Maraykanka ayaa ka mid noqotay mudanayaal si weyn u dhaliilay Trump go’aankiisa, waxayna sheegtay in madaxweynaha Turmp uu mar kale caddeeyay inuusan awood lahayn awood uu iibsado damiirka dadka.

Qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada ayay ku sheegay in dowlada Sacuudiga ay iibsan karto madaxweyne oo ay ula jeeday Trump, waxaana warka Ilhaan Cumar si weyn u faafiyey warbaahinta Mareykanka.

Guddiga xiriirka caalamiga ah ee aqalka sare oo ka kooban xildhibaanno iskudhaf ah oo kasoo kala jeeda xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga ayaa warqad ay Talaadadii u direen aqalka cad waxay ku codsadeen in baaritaan horleh la sameeyo.

Mr Trump ayaa goor sii horreysay si weyn u difaacay xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Sucuudiga, iyadoo ay jirto dhaleeceyn ku saabsan dhacdadaas oo Sucuudiga uga imaaneysa beesha caalamka.

Jamaal Khaashuqji ayaa 2-dii bishii Oktoobar lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istambul, ee dalka Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -