C/raxmaan C/shakuur oo siyaasadeeyey taalooyinka Qaranka ee dib loo dayactiray

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa si yaab leh uga hadlay taalooyinkii dib loo dhisay ee uu shalay xariga ka jaray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Halgamayaasha lagu xusuusto halganka ay u galeen xaqiijinta himilo ummadeed ama halista ay ka badbaadiyeen qaranka.

“Waxaa isku kay qaban waayey taaladii halgame dhintay (Sayid Maxamad) ayaan taagayaa, halgame noolna (Qalbi-dhagax) waan gacan gelinayaa. Shacabka Soomaaliyeed waxay madaxweynaha rumaysan lahaayeen, raad xusuusna ku reebi lahayd, haddii uu hortooda ka qiro in dhiibistii Qalbi-dhagax ay ahayd gaboodfal laga galay halganka iyo halgamayaasha uu maanta taalooyinkooda taagay” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay xariga ka jaray taalooyinkii lagu yaqiinay magaalada Muqdisho ee loogu talo galay in lagu maamuuso halgamayaasha Soomaaliyeed kuwaasoo ay ka mid yihiin Xaawo-taako, SYL, Dhagaxtuur, Sayidka iyo Axmed gurey.

C/raxmaan C/shakuur ayaa ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee sida indho la’aanta u dhaliila go’aan iyo talaabo kasta oo ay qaado dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -