Xil ka qaadis Caawa lagu sameeyay Jamaal Carab Yuusuf (Akhriso Xeer Madaxweyne )

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne oo sumaddiisu tahay (Lr.14) kuna taariikhaysan (February 5, 2020) wuxuu xilka kaga qaaday Agaasimaha Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Jamaal Carab Yuusuf laga qaaday xilka Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.

2. Waxaa Daahir Cabduqaadir Axmed si ku meel gaar ah loogu Magacaabay Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiisay.

Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha Dawladda Puntland

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -