Madaxii Shirkada McDonald oo shaqada looga eryay Sabab layaab leh !!

Madaxii shirkadda caanka ah ee sameysa cuntooyinka fudfudud ee McDonald, Steve Easterbrook,ayaa shaqada laga eryay kadib markii uu shukaansaday haweeney kamid aheyd shaqaalaha shirkadda.

Maamulka guud ee shirkada ayaa war ay soo saareen ku sheegay in Steve Easterbrook uu ku xad gudbay nidaamkii u degsanaa shirkada uuna ku xadgudbay siyaasada ay ku shaqeyso shirkadda McDonland.

Steve Easterbrook oo 52-sano jir ah horeyna u kala tageen xaaskiisa ayaa qirtay in uu shukaansaday haweeney kamid ah shaqaalaha Shirkadda uu maamulayay, waxa uuna qirtay in uu khalad sameeyay.

“Marka la eego qayimka shirkadda McDonald u degsan, waxaan ku waafaqsanahay guddiga go’aankooda, wana xilligii aan meesha baneyn laha oo is casili lahaa,” ayuu yiri Madaxii shirkada McDonald.

Ninkan shaqadiisa ku waayay Shukaansiga owgiis ayaa sanado badan kasoo shaqeeyay Shirkada McDonland isaga oo shaqaale ah iyo isaga oo madax ah, waxa ayna sheekadiisa keentay hadal heyn badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -