Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo hor leh oo laga qaaday Muqdisho oo saakay la geeyay Dhuusomareeb

Waxaa saakay magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug la geeyay ciidamo cusub oo katirsan booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Haramcad.

Ciidamadan saakay la geeyay magaalada Dhuusomareeb ayaa diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidankan ka mid noqonayaan ciidamada dowlada ee sugaya amaanka Dhuusomareeb iyo deegaanada ku dhaw dhaw.

Dowlada ayaa horey magaalada Dhuusomareeb u geesay boqolaal askari oo isugu jiray booliis, Nabad sugida iyo milatari, waxa ayna ciidamada dowlada la wareegeen amaanka magaalada Dhuusomareeb iyo deegaano kale.

Ciidamadan cusub ee saakay dowlada geesay magaalada Dhuusomareeb ayaa kusoo aadaya xili labadii maalin ee lasoo dhaafay magaalada Dhuusomareeb iyo deegaano kale laga dareemayay xiisad u dhaxeysay ciidanka dowlada iyo kuwa Ahlu Sunna.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa oo gaaray degmada Cadaado, una gudbay..

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Mareykanka tababar siinaya Ciidamo cusub kamid noqonaya Danab

Cabdi Cade

Villa Soomaaliya oo War kasoo saartay Safarka Farmaajo ku tagay Itoobiya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---