Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo caawa magacaabay Gudoomiyaal Maxkamadeed iyo Xeer Ilaaliyaal

Wareegto kasoo baxday Xafiiska madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa lagu magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Maxkamadaha gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo ku xigeenada Xeer Ilaaliyaha Guud ee DGM.
 
Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah;
 
1-Saciid C/raxmaan Shiikh : Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobalka Galgaduud
 
2- Maxamed Cabdi Kadiye : Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud.
 
3-Jimcaale Cali Salaad : Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Mudug.
 
4- Cabdirisaaq Cali Yusuf : Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Mudug.
 
5-Cabdullaahi Cali Cumar : Ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee DGM.
 
6- Cabdixakiin Maxamed Xirsi : Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee DGM.
 
Madaxweynaha ayaa magacaabay xubnahan kaddib markii uu garowsaday Baahida degdega ah ee loo qabo dhisidda hay’adda garsoorka Galmudug, isla markaana tixgeliyay aqoonta iyo waayo aragnimada xubnuhu u leeyihiin arrimaha garsoorka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo War ka soo saartay Xanuunka Coronavirus & heegan la geliyey..(Akhriso)

Caydiid Ali

Booliska Maamulka Galmudug oo ku hanjabay shaqo joojin iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Xog:- Maxay ku kala duwan yihiin Farmaajihii shalay iyo kan Maanta?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---