Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Laftagareen & wafdi uu horkacayo oo gaaray degmada Baraawe (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray degmada Baraawe.

Wafdiga Laftagareen ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Baraawe ku soo dhaweeyey Maamulka degmada, qeybaha kala duwan ee Bulshada, saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Somalia.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa u tegay Baraawe sidii uu xariga uga jari lahaa Garoonka dayuuradaha Baraawe oo mudooyinkan dib u dhis uu ka socday.

Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiirka dekadaha iyo Gaadiidka Badda KG iyo mas’uuliyiin kale ayaa Madaxweyne Laftagareen ku wehliyey safarkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo mar kale safar ku tagaya magaalada Cadaado

Cabdi Cade

Waa Kuma Ra’iisul wasaaraha Mahad Salaad uu Khaarijin rabay Sida lagu eedeeyay ?

admin

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabiley Hoggaamiyaha Maamulka KMG SSC (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---