Allbanaadir.com
NEWS

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabiley Hoggaamiyaha Maamulka KMG SSC (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa ka dhageystay Hoggaamiye maamulka SSC Khaatumo warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta deegaannada uu hoggaamiyaha u yahay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo wada-hadal.

Hoggaamiyaha maamulka SSC ayaa magaalada Muqdisho ku yimid casuumad uu u fidiyay Ra’isul Wasaare Xamse Barre , waxaana hoggaamiyaha Muqdisho loogu soo dhaweeyay aad u heersareysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo xariga ka jaray Xarunta IGAD ee Cimilada & Ilaalinta Degaanka (Sawirro)

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe iyo Sheekh Shariif oo arimo Xasaasi ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxa Sirdoonka mareykanka CIA

Cabdi Cade
Taboola Ads ---