Madaxweyne Trump oo ka guuraya gurigiisa New Yourk iyo Sababta keentay

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in uu isaga guuri doono guriga uu ka degnaa magaalada New Yourk , kadib markii uu dhaleeceyn iyo mucaaradad kala kulmay siyaasiyiinta magaaladaasi.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Donald Trump in uu go’aansaday in uu isaga guuro gabi ahaan gurigii uu ka degnaa magaalada New Yourk una guuro gurigiisa kale ee kuyaala gobolka Florida.

Donlad Trump ayaa sheegay sababta uu uga guurayo magaalada New Yourk in ay tahay siyaasiyiinta magaaladaasi uu tilmaamay in si xun ula dhaqmeen, gurigan uu Madaxweynaha ka guurayo ayaana waxa uu degnaa sanado badan.

”Nasiib darro, inkasta oo sannad kasta aan maalaayin doolar oo canshuur aan ku bixiyo magaalada, waxaa si xun ii la dhaqmay siyaasiyiinta magaalada iyo gobolka” ayuu yiri madaxweyne Trump.

Gudoomiyaha iyo Duqa magaalada New Yourk ayaa la sheegay in labaduba ay si weyn uga soo horjeedaan siyaasada iyo hab maamulka Madaxweyne Trump, waxa ayna labadan masuul katirsan yihiin Xisbiga Dimuquraadiga ee kasoo horjeeda Trump.

Masuuliyiinta magaalada New Yourk ayaana soo dhaweeyay go’aanka uu Madaxweynaha uga guurayo magaalada New Yourk uu mudo deganaa, waxa ayna sheegeen in talaabada uu gaaray Trump ay tahay mid lasoo dhaweeyo.

- Advertisement -