Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo Cafiyay Xildhibaankii dhawaan ka careesiiyay !!

In ka badan 20 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa kulan Kula qaatay Qardho Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Xildhibaanadan oo saaka ka yimi Garoowe ayaa u sheegay Madaxweynaha in ay u wadaan dhambaal raaligelin ah oo ku saabsan arrinta Xildhibaan Cawil Xasan Daad.

Mudaneyaasha ka tirsan Baarlamaanka waxay Madaxweynaha u cadeeyeen in hab-dhaqankii ka dhacay Furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland, ay ahayd waxaan u qalmin Dowladnimada Puntland ee 21-sano jirsatey.

Waxay Xildhibaanadu Madaxweynaha u gudbiyeen dhambaal raali-gelin ah iyagoo codsaday in la cafiyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad, Xeer illaalintu’na ay la laalabato Dacwadda ay ka gudbisay Xildhibaanka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo si qoto dheer u dhegaystay Mudaneyaasha Baarlamaanka ee Qardho ugu yimi arrintan darteed, isla markaana tixgelinaya codsiga mudaneyaasha wuu ka aqbalay codsi’gaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:- Maxaa ka jira in Internetka Koonfurta Somalia loo jaray arrimo Siyaasadeed ?!

admin

Mareykanka oo ka digay Qorshe Madaxweyne Farmaajo iyo xulufadiisa damacsan yihiin

Cabdi Cade

Sheekh Shaakir oo lagu soo dhaweeyay Madaxtooyada Galmudug (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---