Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kooxda Daacish oo yeelatay Hogaamiye cusub kadib Dilkii Abuubakar Al Bagdaadi

Ururka Daacish ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay geerida Hogaamiyahoodii Abuubakar Al Bagdaadi, oo lagu dilay howlgal qorsheesan oo ciidamo Mareykan ah ka fuliyeen Waqooyiga dalka siiriya.

Bayaan kasoo baxay kooxda Daacish ayaa lagu xaqiijiyay geerida Abuubakar Al Bagdaadi, waxaa sidoo kale bayaankaasi lagu cadeeyay in kooxda Hogaamiye u dooratay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Quraishi.

Afhayeenka cusub ee kooxda Daacish Abu Hamza al-Quraishi, ayaa fariin cod ah uu soo duubay ku xaqiijiyay geerida Abuubakar Al Bagdaadi iyo magacaabista hogaamiyaha cusub ee kooxdaasi yeelatay.

Kooxda Daacish ayaa sidoo kale xaqiijisay in afhayeenkii hore ee kooxdaasi Abu Hassan al-Muhajir isna lagu dilay howl-gal kale oo qorsheesan oo dhacay maalin kadib hogaamiyihii kooxdaasi Bagdaadi.

Bayaanka kooxda khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa lagu sheegay in golaha sharci-dejinta iyo shuurada  ay kulan deg deg ah isugu yimaadeen ku go’aamiyeen hogaamiyihii badali lahaa Abuubakar.

Afhayeenka cusub ee Daacish, Abu Hamza al-Quraishi ayaa fariinta uu oo diray ugu hanjabay dowlada Mareykanka , waxa uuna sheegay in kooxda iyo taageerayaashooda ay u aargudi doonaan dilka hogaamiyahooda

Abuubakar Al Bagdaadi ayaa kooxda  Daacish hoggaaminayey tan iyo sanaddii 2014, waxa uuna ahaa hogaamiyahan ninka loogu doon doonista badnaa caalamka , waxaana ugu dambeyn lagu dilay howlgal ciidamo Mareykan ah ka fuliyeen gudaha Siiriya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo si adag uga hadashay raga iyo Dumarka aan is qabin ee wada seexda Hotelada Muqdisho !

Cabdi Cade

Nin Xabsi ku hayay Xaaskiisa iyo labo Cunug oo ay dhashay muddo 17-sano ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo dab qabadsiiyay gaari Qaad badan siday, dadkii la socdayna dilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---