Al-Shabaab oo dab qabadsiiyay gaari Qaad badan siday, dadkii la socdayna dilay

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa jidka u galay gaari siday Qaad oo marayay Wadada isku xirta degmooyinka Buulo burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Ilo wareedyo ayaa warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ay gubeen gaarigii qaadka siday sidoo kalena ay isla goobta ku dileen labo ruux oo la sheegay inay la socdeen gaariga.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka hadlin hase ahaatee ciidamada dowlada ayaa la sheegay iney bilaabeen baaritaan iyo dabagal ay ku hayaan goobta falkan uu ka dhacay.

Degmada Buulo-burde oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee ka socda Jabuuti ayaa muddo dheer ku jirtay go’doon ka dib markii Al-shabaab ay diideen iney tagaan gaadiidka ganacsiga ee sida cuntada iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -