Maxaa keenay in Xisbiga Wadajir uu ka baxo Madasha Asxaabta Mucaaradka?

Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiyo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta ay uga baxeen madasha axsaabta mucaaradka oo maanta isku raacay hogaan cusub oo la filayo in gudoomiye loogu magacaabo Shariif Shiikh Axmed madaxweynihii hore ee Somalia ka dib kulan madasha maalmahan uga socday Muqdisho.

Xisbiga Wadajir ayaa la sheegay inuu kasoo horjeeday isla markaana diidanaa in hoggaan loo sameeyo xisbiyada, maadaama aysan jirin mabda’ guud iyo siyaasad ay xisbiyada ku mideysan yihiin.

Xubin ka tirsan Xisbiga Wadajir oo la hadlay Allbanaadir Online ayaa sheegay inay soo jeediyeen in la doorto xiriiriye, lana joojiyo in xisbiyadu yeeshaan guddoomiye balse taas laga diiday, ayna sababtay iney isaga baxaan madasha.

“Sabab aan uga baxnay madashu waxay tahay in la isku afgaran waayay in hal mowqif iyo hal murashax ay la soo shir tagaan xisbiyada oo dhan, mid kasta wuxuu rabaa inuu inuu murashax noqdo 2021, hadda waxay rabaan oo kaliya inay madasha siyaasad ahaan kula dagaalamaan dowladda, taasina way u cuntami wayday xisbiga” ayuu yiri Masuulkan.

Waxaa uu intaas ku daray masuulkan in madasha xisbiyadu ay doonayaan in waxa kaliya ee heshiiska lagu yahay ay noqoto mucaaradnimada dowlada federaalka.

“Xisbiga Wadajir wuxuu midnimo u arkaa in la helo mowqif mid ah oo ku aadan maamulka haatan jira. lagana heshiiyo aragtida, qorshaha iyo istiraatiijiyada ku aadan xaalada dalka maanta iyo mustaqbalkaba, taasina waxay ku imaan kartaa in la mideeyo maskaxda, muruqa, iyo maalkaba, lalana yimaado tanaasul dhab ah oo lagu gaari karo midnimo buuxda oo wax kasta miiska la saaro, Waa laga daalay dagaal maalmo kooban la isugu kaashanayo ninka kursiga fadhiya oo uusan qorshe kale la socon. Hadii arrinku yahay xisbi walba hogaankiisa ha haysto, musharax walibana damaciisa ha ku joogo, waa waayihii ina soo maray doorashooyinkii 2012 iyo 2017. Waa inaan wax ka barano waaya aragnimana ka kororsano dhacdooyin isku eg ee dhala natiijooyin isku mid ah” ayuu intaas ku daray masuulkan u hadlay xisbiga Wadajir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -