Xuska Maalinta Qaranimada dalka Turkiga oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Xarunta Safaaradda Walaalaha Turkiga ee Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa gelinkii dambe ee maanta waxaa lagu qabtay Xuska 29-ka October oo ah maalinta qaranka walaalaha Turkiga oo sanad walba marka la gaaro 29-ka October maanta oo kale ay xusaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee  Mudane Maxamed Mursal Sheeekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaaahi iyo mas’uuliyiin kale oo ay ku jiraan wasiiro iyo Xildhibaano ayaa ka qeyb galay xuska maalinkan.

Ugu horeyn safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo munaasabada ka hadlay ayaa ka hadlay muhiimada maanta oo kale ay u leedahay shacabka iyo dalweynaha Turkiga.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka walaalaha Turkiga iyo dowladooda la u diray hambalyo ku aadan maalinta Qaranka ee Dalkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhankiisa Hambalyo u diray walaalaha turkiga ayaa aad uga hadlay xiriirka walaaltinimo ee aan la leenahay Dalka Turkiga iyo sidoo kale muhiimada maanta oo kale ay u leedahay shacabka Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -