Meydadka shan ka mid ah dadkii doonidu kula rogmatay Belad-weyne oo la helay

Meydadka ugu yaraan 5 qof oo ka mid ah dadkii shalay lagu la’aa doonidii kula rogmatay xaafadda ay fatahaadu halakeysay ee magaalada Baledweyne ayaa maanta la helay kadib 24 saac oo la weysanaa.

Dadka meydadkooda la helay waxaa ka mid ah Sharmaarke Khaliif iyo Deeqow Cabdi Cariif oo ka mid ahaa shaqaalaha dowlada hoose ee Baledweyne.

Waxaa sidoo kale ku jira Shariif Xasan iyo oo ahaa Ganaacsade iyo gudoomiyahii ururka dhalinyarada degmada Shibis ee Muqdisho oo maalmahii ugu dambeyay Baledweyne ku sugnaa, iyo wiil arday ah.

Ilaa xalay waxaa socday baadi goobka dadkaas iyo kuwa kale oo wali aan la helin, waxaana dadka maqan ka mid ah Dahabo Xasan Axmed, oo ahayd la taliyahii dhanka arrimaha haweenka ee Madaxweynaha HirShabelle.

Dhanka kale waxaa goor dhoweyd gaaray magaalada Baledweyne Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare iyo gudiga gurmadka oo uu dhawaan magacaabay.

Hoos u dhac aan sidaa u badneyn ayaa laga dareemaya biyahii daadka ee aadka u badnaa ee magaalada kusoo rogmada, waxaana laga cabsi qabaa in da’aan roobab kale oo xaalada uga sii dari kara.

Dad ka badan 300,000 oo kun ayaa kaa barakacay guryahooda oo ku yaalla magaalada Belad-weyne ka dib markii inta badan magaalada ay saameysay fatahaada webiga Shabelle, waxaana xaafadaha qaarkood ay jooga biyuhu ka sara mareen illaa 3 mitir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -