Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Uganda oo kunool Duleedka Muqdisho (Daawo Sawirada)

Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Uganda Iidi Amin Dada ayaa kunool deegaanka Carbiska ee kuyaala duleedka magaalada Muqdisho kuna dhaw degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose.

Sheekh Cabdulaahi Iidi Amiin Daada oo horey uga tirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa hada kunool deegaanka Carbiska, waxa uuna halkaas shalay kula kulmay Wafdi Xildhibaano ah oo kasocday dalka Uganda.

Wafdiga uu la kulmay ninkan uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Uganda ayaa waxaa hogaaminayay Charles Okello Engola, oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda difaaca Uganda, waxaa sidoo kale wafdiga kamid ahaa Xildhibaano katirsan guddiga difaaca.

Cabdulaahi Iidi Amiin ayaa sheegay in isaga iyo wiil kale oo la dhashay uu dhalay Madaxweynihii hore ee Uganda, waxa uuna timaamay in hooyadood ay kasoo jeedo magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay ninkan in aysan garaneyn isaga iyo walaalkiis xubnaha kale oo qoyskooda ee kunool Uganda iyo meelo kale, waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya kunool yahay uuna la kulmay xaalado kala duwan.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda difaaca Uganda ayaa u balan qaaday Cabdulaahi Iidi in warbixintiisa gaarsiin doono xubnaha qoyskiisa ee kunool Uganda uu ugu horeeyo walaalkiisa Taban Amin, oo ah Agaasimaha hay’ad amaanka qaabilsan.

Madaxweynihii hore ee dalka Uganda Iidi Amiin Daada ayaa marar badan safaro ku yimid magaalooyinka Soomaaliya kamid ah, waxa uuna guursaday Haweeney Soomaali ah oo labo caruur ah u dhashay balse markii dambe ay is waayeen.

- Advertisement -