Duqa Muqdisho oo la kulmay Gaadiidley Maalintii 3aad shaqo joojin wada (Sawirro)

Xarunta aqalka dowlada hoose Xamar ayaa waxaa ka dhacay kulan gaar ah oo uu Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) la qaatay gudiga iskaashatada gaadiidleyda oo maalintii 3aad wada shaqo joojin, iyagoo ka cabanaya jidad xiran iyo canshuuro lagu kordhiyey.

Gudoomiyaha ayaa kala hadlay gaadiidleyda sidii loo xalin lahaa caqabadaha heysta.

Duqa Muqdisho ayaa ugu horeyn ka dhageystay hogaanka guddiga iskaashatada gobolka Banaadir cabashooyin la xariira isticmaalka wadooyinka iyo lacaga ay sheegeen in si sharci daro ah looga qaado.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu tilmaamay in maamulkiisa uu diyaar u yahay wax ka qabashada cabashooyinka ay soo gudbiyeen gaadiidleyda.

Lama sheegin illaa hadda wax natiijo ah oo ka soo baxay kulankan, iyadoo shaqo joojinta gaadiidleyda ay saameysay kumanaan qof oo iskugu jira arday, shaqaale iyo dad kale oo aan awoodin iney iska bixiyaan lacagaha lagu raaco mootooyinka bajaajka oo qiimo ahaan ka qaalisan gaadiidka BL-ka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -