Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Yoweri Museveni oo Bandow kusoo rogaya qeybo kamid ah dalka Uganda

Dalka Uganda qeybo kamid ah waxaa ka dilaacay cudurka halista badan ee loo yaqaan Ebola, waxaana jirta cabsi xooggan oo laga qabo in cudurkaasi kusii faafo guud ahaan dalka Uganda .

Dowladda Uganda ayaana qaadeysa tallaabooyin degdeg ah oo looga hortagayo in cudurkaasi sii faafo, waxaana bulshada looga digay in qeyb ka noqdaan sii faafitaanka cudurkan halista badan.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa shaaciyay in dowladda bandow kusoo rogeyso degmooyinka cudurkan ka dilaacay, waxa uuna xusay in bandowagan oo lasoo rogayo xilliga habeenkii uu saameenayo goobaha bulshada isugu timaado.

Museveni ayaa sheegay in  la qaadayo tallaabooyinkan looga dan leeyahay in lagu xakameeyo faafista  Ebola, waxa uuna xusay in si degdeg ah looga dhaqan gelin doono degmooyinka Mubende iyo Kassanda ee bartamaha Uganda, oo xudun u ah cudurka Ebola.

Dalka Uganda oo cudurka Ebola dhawwaan ka dilaacay ayaa la xaqiijiyay in uu dilay 19-qof halka uu cudurkan soo ritay dad kale oo badan, waxaana laga cabsi qabaa tirada dadka u dhimanaya cudurkan in ay sii kordhaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Abaanduule ka tirsan cidanka Somaliland oo lagu dilay dagaalka Laascaanood

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Cabdi Cade

Dayuuradaha Maraykanka oo duqeyn ku dilay Abu Hassan Al-Muhajir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---