(Daawo Sawiro) Goobta uu ka dhacay weerarka lagu qaarajiyey Abuu Bakar Al-Baqdaadi

Hoggaamiyihii Daacish Abuu Bakar Al-Baqdaadi ayaa lagu qaarajiyay weerar la qaaday habeen barkii xalay, weerarkaasi waxaa ka qeyb qaatay dayuuradaha Helicobterka iyo kuwa dagaalka, waxaana lagu qaaday tuulada la yiraahdo Barisha oo ku dhow soohdinta Suriya uu Turkiga la wadaago halkaasoo uu ku ku dhuumaaleysanayey

Duulaanka cirka ah waxaa barbar socday iska hor imaad dhulka ah oo dhexmaray ilaali hubeysan oo uu lahaa Baqdaadi iyo ciidamada Maraykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyay goor dhow inuu dhintay hoggaamiyihii kooxda la baxday dowladda Islaamka ee Daacish.

Trump ayaa sheegay in Abuu Bakar Al-Baqdaadi uu ku cararay god dhulka hoostiisa ah balse markii ciidamada Mareykanka  weerareen uu isku qarxiyay halkaasi, waxaana sida uu sheegay la dhintay saddex carruur ah oo godkaasi kula cararay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in 11 carruur ah laga soo badbaadiyay gurigii uu degganaa, waxaana warbaahinta caalamku ay soo bandhigtay sawiro iyo muuqaao laga soo qaaday goobta lagu weeraray oo burbur balaaran uu ka muuqdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -