Trump oo xaqiijiyey geerida Baqdaadi, faahfaahina ka bixiyey qaabka uu u dhintay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyay inuu dhintay hoggaamiyihii kooxda la baxday dowladda Islaamka ee Daacish ka dib hawlgal ka dhacay dalka Suuriya.

Trump ayaa sheegay in Abuu Bakar Al-Baqdaadi ku cararay god dhulka hoostiisa ah balse markii ciidamada Mareykanka ay weerareen uu isku qarxiyay halkaasi, waxaana sida uu sheegay la dhintay saddex carruur ah oo uu godkaasi kula cararay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in 11 carruur ah laga soo badbaadiyay gurigii uu degganaa, waxaana uu hadda sheegay in dunidu ay tahay mid amni ah maadaama buu yiri la khaarijiyay ninkii ugu cadowsanaa dunida.

Warbaahinta Mareykanka ayaa mar sii horreysay sheegtay in milatariga Mareykanka uu weerar ku qaaday Abuu Bakar Al-Baqdaadi, iyagoo xusay in hawlgalka ay sameeyeen ciidamo gaar ka dib markii ay heleen xog muhiim oo tallaabo lagu qaadi karo.

Hoggaamiyaha mid ka mid ah kooxaha hubeysan ee fadhigoodu yahay Idlib oo ku taalla waqooyi galbeed Suuriya ayaa sheegay, in la rumeysan yahay in hoggaamiyaha Daacish lagu qaarajiyay weerar la qaaday habeen barkii, weerarkaasi waxaa ka qeyb qaatay diyuuradaha Helicobterka iyo kuwa dagaalka, waxaana lagu qaaday tuulada la yiraahdo Barisha oo ku dhow soohdinta Suriya uu Turkiga la wadaago. Duulaanka cirka ah waxaa barbar socday iska hor imaad dhulka ah.

TV-ga dowladda Ciraaq ayaa maanta sheegay in uu baahin doono muuqaallo laga duubay weerarka la aaminsan yahay in Albaghdaadi lagu dilay ee Suuriya ka dhacay

Tv-ga Ciraaq oo soo xiganaya khabiir arrimaha kooxaha argagixisada ayaa sheegay in sirdoonka Ciraaq uu kaalin ka geystay jaan-goynta goobta uu Albaghdaadi ku sugnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -