Qaar kamid ah Guddigii Doorashada uu magacaabay Sheekh Shaakir oo is casilay

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta wareegto uu soo saaray ku magacaabay 11-xubnood uu sheegay in ay yihiin guddiga doorashada iyo khilaafaadka Galmudug.

Qaar kamid ah Guddigii uu maanta magacaabay Madaxa Xukuumada Galmudug ayaa durba shaaciyay in ay iska csileen xilkaasi, waxa ayna xubnahan oo qaarkood warbaahinta la hadlay sheegeen in aan la tashi lagala sameyn magacaabistooda.

Maxamed Axmed Malin oo ah Gudoomiye ku-xigeenka labaad Ee Baarlamanka waqtigiisu dhamaaday ee Galmudug ayaa sheegay in uu iska casilay xubanimada guddiga , waxa uuna xusay in magacaabistiisa aan lagala tashan.

Waxaa sidoo kale guddigan uu magacaabay Sheekh Shaakir iska casilay  Cabdi Shakuur Ciise Xaashi oo isna kamid ahaa guddiga sidoo kale ah Wasiirka Diinta iyo Owqaaftaa ee maamulka Galmudug.

Xubno kale oo kamid ah guddiga doorashada iyo khilaafadaka uu magacaabay Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa in ay is casileen, waxaana suurto gal ah in ay sii kordhan xubnaha guddigan iska casilaya.

Magcaabista Sheekh Shaakir ee Guddiga Doorasahada iyo Khilaafaadka Galmudug ayaa u muuqata mid lagu abuurayo xiisad iyo khilaaf, waxaana xusid mudan in horey Wasaarada arimaha guddaha u magacawday guddiga doorashada iyo Khilaafaadka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -