Shacab careesan oo banaan bax ka dhigaya qeybo kamid ah magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo banaan bax ay dhigayaan shacab ka careesan dil xalay magaaladaasi loogu geestay Ganacsade caan ka ahaa.

Dadka banaan baxa dhigaya ayaa ka careesan dilka gardarada ah ee xalay magaalada Kismaayo loogu geestay Xaaji Saciid Ciise (Saciid Addoon) oo ahaa ganacsade iyo Nabadoon caan ka ahaa magaalada Kismaayo.

Ehelada Nabadoonka iyo dadka kale ee banaan baxa dhigaya ayaa tuhmaya in dilka uu salka ku hayo arimo siyaasadeed, waxa ayna meesha ka saareen in dilkan ka dambeeyaan kooxda Al Shabaab.

Dadka banaan baxa dhigaya ayaa dalbanaya in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyay dilka Nabadoonka lana soo taago maxkamad, waxa ayna maamulka Jubbaland ku eedeeyeen in ay ku fashilmeen xaqiijinta amaanka waxgaradka Kismaayo.

Dilka Nabadoon Saciid Addoon loogu geestay magaalada Kismaayo ayaa abuuray shaki xoogan, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada dilka loo geestay Nabadoonka sidoo kale ma jirto ilaa hada cid loo soo xiray dilkaasi.

Magaalada Kismaayo waxaa horey uga dhacay dilal loo geestay Nabadoono caan ahaa oo siyaasad ahaan kasoo horjeeday Sheekh Axmed Madoobe, waxaana dilalka Kismaayo loogu geestay Nabadoonada u muuqdaan kuwa la qorsheeyay oo siyaasad salka ku heysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -