Waa kuma Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir (Taariikh iyo falanqeyn kooban)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Magacaabida siyaasigan ayaa ka dambeysay ka dib markii dhowaan uu geeriyooday guddoomiyihii gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho marxuum Eng. Yariisow oo dhaawacyo halis ah ay ka soo gaareen qarax ka dhacay xarunta gobolka Benaadir.

Haddaba waa kuma Cumar Filish.

Waa nin dhalinyaro ah, Waxaa uu ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sida weyn u soo caan baxay xilligii Hogaamiye kooxeeyda ku dagaallami jireen Magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loo xusuustaa dagaaladii bartamihii sanadihii 90-naadkii degmada Wadajir ku dhexmaray Maleeshiyooyin ay kala hogaaminayeen isaga iyo Muuse Suudi Yalaxow oo haatan ka tirsan  xubnaha Aqalka sare.

Bishii Febraayo sanadkii 2006 Waxaa uu ka mid ahaa  Sagaal Hogaamiye kooxeed oo Muqdisho kaga dhawaaqay isbaheysigii la dagaalanka argixisada ee taageerada ka heli jiray dowladda Mareykanka, kuwaasoo ugu dambeyn looga adkaaday dagaal ay Muqdisho kula galeen Maxaakiimtii islaamiga ahaa.

Cumar Filish Waxaa loo magacaabay sanadkii 2007 Wasiirka diinta Awqaafta ee Xukuumadii uu hogaaminayey Raisul Wasaare Cali Maxamed Geedi, isagoo sidoo kale xildhibaan ka ahaa baarlamaanadii 7aad, 8aad iyo 9aad ee Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale ka mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday dowladdii uu hoggaamin jiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kama mid aha rag dhowr ah oo si weyn loo saadaalinayey maalmahan in midkood loo magacaabayo gudoomiyaha gobolka Banaadir, dad badana magacaabistiisa waxay ku noqotay lama filaan.

Magacaabidan ka hor ma jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeyey isaga iyo dowlada ay majaraha u hayaan Madaxweyne Farmaajo iyo raisul Wasaare Khayre, sidoo kale Cumar kama dhex muuqanin sanadahan dambe masraxa Siyaasada, waxaana sugaya howl badan oo ay ku jirto raadinta Maqaamka Muqdisho iyo sidii uu wax badan uga qaban lahaa dhibaatooyin kala duwan oo ka jira caasimada.

- Advertisement -