Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo la la’yahy kadib markii ay la degtay Doon ay la socdeen

Wararka aan ka heleyno magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in doon ay la socdeen ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya ku degtay meel dhanka bari kaga beegan Xeebta magaalada Marka.

Doontan ayaa la sheegay in ay la socdeen saraakiil iyo ciidamo katirsan guutada 14-ka October, waxaana lasoo bad baadiyay 10-askari uu ku jiro taliyihii ciidankaasi, halka nolol iyo geeri lagu la’yahay sadex askari oo kale.

Xeebta magaalada Marka waxaa saakay ka socda baadi goob loogu jiro askarta la la’yahay ee katirsan milatariga Soomaaliya, waxaa sidoo kale badda ku daatay qaar badan oo kamid ah hubkii ay wateen ciidanka milatariga.

Magaalada Marka ayaa go’doon dhinaca dhulka ah ku jirta, waxaana inta badan ciidamada milatariga ee taga magaaladaasi ama kasoo tagaya adeegsadaan doonyo , waxaa sidoo kale saanadaha kala duwan lagu gaarsiiyaa doonyo.

- Advertisement -