Xasan Sheekh oo Su’aalo ka keenay sababta dib loogu dhigey dacwada badda

Waxaa markii labaad dib loo dhigay kiiska dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeysa ee taala maxkamada caalamiga ah ee ICJ, waxaana dib u dhigistaasi keentay in su’aalo badan la iska weediiyo sababta xiligan keentay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka su’aalo ka keenay sababta mar kale dib loogu dhigay kiiska dacwada Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu isweediiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa ku dhacay dacwadii Badda ee taalay maxkamada ICJ, waxa uuna xusay in muhiim tahay in shacabka Shacabka Soomaaliyeed ogaadaan sababta dib loogu dhigay dacwada.

“Maxaa ku dhacay dacwadii baddeena ee tiil maxkamada ICJ? Shacabkeenu waxa ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sababta dib loogu dhigey, waxaana dowlada ugu baaqayaa in shacabka jawaab ka siiso su’aalahan ?” Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Kiiska dacwada badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa markii labaad dib loo dhigay, waxa ayna arintan dhalisay shaki ku aadan in ladoonayo in kiiskan xal kale oon maxkamad aheyn loo raadiyo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -