(Akhriso) Hirshabelle oo eedeyn culus u jeedisay Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia

Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ku eedeeyay Wasiirada Maaliyadda iyo Qorsheynta xukuumada Somalia inay caqabad ku noqdeen sii deynta lacago loogu tala galay wax ka qabashada fatahaadaha ka taagan degaano hoos taga Maamulkaas.

“Waxaa wax laga xumaado ah laga xumaado ah in Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiirkeeda ay caqabad ku noqdeen fududeynta iyo sii deynta qarashaad wax looga qaban lahaa arrimaha hadda taagan dhibaatadana heerkaan ma gaarteen hadii wasaarada Maaliyada sii deyn laheyd qarashaadka looga hortagayo fatahaada xilligii Maamulka dalbaday” ayaa lagu yiri War Saxaafadeed ka soo baxay  guddiga fatahaadaha Hirshabelle.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEED

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -