Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Meydka Soomaali toorey lagu dilay oo laga helay Magaaladda Plauen (Daawo Sawirro)

Maydka wiil 19 jir Soomaali ah ayaa xalay laga helay wado ku taala magaaladda Plauen ee gobolka Sachsen ee wadanka Jarmalka.

Booliska ayaa sheegay in wiilkan uu u dhintay dhaawacyo mindi ama tooray ah oo kasoo gaaray qaybta sare ee jirkiisa.

Wiil kale oo 19 jir Soomali ah ayaa lagu tuhunsan yahay inuu dilkaas geystay kaasoo Booliska magaaladaasi ay gacanta ku hayaan hadda, waxaana ku socda baaritaano.

Lama sheegin magacyadooda balse mid kamid ah Soomaalida magaaladaas ku nool ayaa sheegay inay labadda wiil ay saaxiibo ahaayeen, ayna la yaaban yihiin sababta keentay in midkood uu dilo kan kale.

Soomaalida u yaacday qurbaha ayaa dalkooda uga cararay dhibaatooyin iskugu jira kuwo nololeed iyo amni daro balse markii ay tageen Yurub iyo Maraykanka waxay qaarkood bilaabeen iney dhexdooda is dilaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil katirsan ciidamada AMISOM oo bilado iyo shahaadooyin la gudooniiyay

Cabdi Cade

Sanadka cusub ee 2024 oo ka bilowday dalalkii ugu horeeyey caalamka (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka iyo kooxda Taliban oo isla gaaray heshiis soconaya hal todobaad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---