Xildhibaano si kulul uga hor yimid go’aan ka soo baxay Wasaaradda A/Gudaha Puntland

Iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ay joojisay xafiisyo ay wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka ka furteen degaanada maamulkaas ee laga soo doorto ayaa waxaa tallaabadaasi ka horyimid Xildhibaano ka tirsan maamulka Puntland iyo kuwa federaalka.

Senator Max’uud Mashruuc oo ka mid ah Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in go’aankaas mamnuucista ah uu yahay mid ka hor imaanaya dastuurka Soomaaliya, isla markaana kala duwanaashaha fikirka nooca doorashada dalka ka dhici doonta 2020 aysan Puntland u adeegsan karin is hortaagga xuquuqda matalaadda.

“Madaxda Puntland waa inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara midnimada Qaranka Soomaaliyeed” ayuu yiri Senatorka oo soo dhaweeyey fikradda ah in degaan doorashada iyo xubinta ku matasha Baarlamaanka ay wada yeeshaan xiriir joogto ah.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore oo ka mid ah golaha Wakiillada Puntland ayaa isna sharci-darro ku tilmaamay Go’aanka Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, waxaana uu ugu baaqay Wasaaradda inay ka laabato warqadda joojinta xafiisyada ay Puntland ka furteen Xubno katirsan golaha Wasiirada Soomaaliya.

Wasiirada Xafiisyada furtay ayaa kala ah wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan & Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo labaduba Baarlamaanka Soomaaliya xildhibaano ka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -