Al Shabaab oo War kasoo saartay Sargaal ciidan oo maanta lagu dilay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta xaafada Saybiyaano ee degmada Hodan loogu geestay nin la sheegay in uu katirsanaa saraakiisha ciidanka dowlada gaar ahaan kuwa loo yaqaan Baangaraafta.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in rag hubeesan oo kooxdooda katirsan in ay dileen Muuse Abukar Axmad Nuuroow oo Al Shabaab tilmaameen in uu ahaa sargaal katirsan ciidanka Bangaraafta ay tababareen Mareykanka.

Al Shabaab ayaa sheegtay in sargaalkan ay ku dileen magaalada Muqdisho uu qaabilsanaa sahminta goobaha weerarada habeen dheelmadka ah lagu qaadayo deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

“Mujaahidiinta ayaa degmada Hodon ku khaarijiyay Muuse Abukar Axmad Nuuroow oo katirsanaa ciidamada Bangarafaata, wuxuu ahaa cadow ku hoggaamin jiray deegaanno katirsan Sh/hoose” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan ka hadlin dilkan Al Shabaab sheegatay masuuliyadiisa, waxaana dilkan imaanayaa xili xalay si kam ah magaalada Muqdisho loogu dilay sargaal sare oo katirsanaa ciidanka Kumaandooska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -