Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Faahfaahin: Masuul ka tirsan Maamulka Puntland oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya dil xalay Magaalada Gaalkacyo loogu geystay masuul la sheegay inuu ka tirsanaa Maamulka Puntland.

Xasan Cabdulle Hiraabe (Xasan Weyne) oo la sheegay inuu ahaa madaxa kastamka Wasaarada Maaliyada Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in lagu dilay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo xili uu fadhiyey goob shaaha laga cabo.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in labo nin oo bastoolado ku hubeysnaa ay fuliyeen dilka masuulkan, kuwaasoo ka dib ka baxsaday goobta iyadoo aan lagu guuleysan in la qabto.

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa la sheegay iney xalay illaa saaka howlgalo ka wadaan xaafado ka tirsan woqooyiga Gaalkacyo halkaasoo lagu tuhunsan yahay iney gabaad ka dhiganayaan kooxihii dilka geystay.

Maamulka Puntland ee gobolka Mudug ayaan ka hadlin dilkan oo qeyb ka noqonaya dilal kala duwan oo horey uga dhacay magaalada Gaalkacyo kuwaasoo loo geystay, masuuliyiin, saraakiil, waxgarad iyo askar ka tirsan maamulka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo fulinaya Shuruud Axmed Madoobe ku xiray iyo Masuuliyiin Muqdisho la keenayo !!

Cabdi Cade

Macalimiintii Saxay Imtaxaankii Shahaadiga oo Cabasho xoogan kasoo yeertay

Cabdi Cade

Kartoonistihii caanka ahaa ee u Gefey Nebigeena Muxumad CSW oo dhintay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---