Kartoonistihii caanka ahaa ee u Gefey Nebigeena Muxumad CSW oo dhintay

Kartoonistihii aflagaadeeyey Nebigeena Muxumad CSW ee lagu magacaabi jirey Kurt Westergaard oo u dhashay dalka Denmark ayaa geeriyooday, kadib, markii uu in muddo ah xanuunsanaa.
 
Wargeyska Berlingske ee ka soo baxa Caasimadda dalka Denmark ee Copenhagen ayaa qoray inay Qoyska Ninkaasi u xaqiijiyeen geeridiisa, isagoo 86-jir ahaa.
 
Farshaxanistahaasi waxa uu u shaqeyn jirey Wargeyska Jyllands-Poston tan iyo sanadihii 1980-aadkii.
 
Waxa uu sawiro uu ugu gefay Nebigeena Muxumad CSW sawiray sanadkii 2005-tii, taasi oo ay Muslimiinta Caalamka ka dhiidhiyeen Xadgudubkaasi, waxaana dhacay Dibadbaxyo waa weyn oo looga soo horjeeday Ninkaasi ku xadgudbay Islaamka.
 
Sanadkii 2010-kii waxa lagu weeraray qol Khaas ah oo uu isku qarinayey oo ka mid ah gurigiisa, isagoo uu Nin Somali oo watay Faash ama Maqar uu ku weeraray qolkii.
 
Dhinaca kale, sanadkii 2012-kii, Wargeys kale oo lagu magacaabo Charlie Hebdo oo ka soo baxa Caasimadda Faransiiska ee Paris waxay dib u daabaceen Sawiradii xadgudubka ku ahaa Islaamka, taasi oo soo rogaal-celisay Xanaaqa ay dadka Muslimiinta kaga dhiidhiyeen Xadgudubkaasi.
 
Bartamihii sanadkii 2015-kii, rag hubeysan ayaa waxay weerareen Xafiisyada Wargeyska Charlie Hebdo, iyadoo 12 qof ku geeriyoodeen weerarkaasi.
 
Weeraro kale oo ka dhacay dalka Faransiiska waxaa lagu dilay dad tiradoodu dhan tahay 17 qof, , sida laga soo xigtay Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Britain.
 
W/Q Ustaad Nuradin 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -