Xukuumada Somalia oo War ka soo saartay go’aankii ka soo baxay Maxkamada ICJ

Xukuumada Somalia ayaa war ka soo saartay Go’aan ka soo baxay Maxkamada caalamiga ah ee ICJ oo dib loogu dhigay dhegeysiga dacwada badda ee u dhexeysa dowladaha Somalia iyo Kenya.

War ka soo baxay Maxkamada ayaa go’aamisey in dhegeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya laga dhigay 8-12-ka bisha Juun ee sanadka 2020.

Ku-simaha ra’iisulwasaaraha ahna ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Mohamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya soo dhoweyneyso go’aanka maxkamadda.

Waxaa uu intaas ku daray in go’aankan uu yahay mid kama dambeys ah isagoo xusay nin dowlada Somalia ay ku qasbanaatay iney aqbasho maadaama ay iyadu gudbisay dacwada.

Waa markii labaad ee Maxkamadu ay dib u dhigto dhegeysiga kiiskan waxayna ugu dejisay dhageysiga dacwadda 9-ka illaa 13-ka September, hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay illaa 4-ta November kadib codsi ka yimid Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -