Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Faah faahino kasoo baxaya Nin Hubeesan oo lagu toogtay magaalada Dhuusomareeb

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xalay ciidamada booliiska halkaasi ku toogteen nin hubeesan oo doonayay in uu xoog ku galo saldhiga booliiska Dhuusomareeb.

Ciidamada booliiska ayaa la sheegay in toogasho ku dileen ninka hubeesan ee doonayay in uu gudaha u galo saldhiga, waxaana ninka la toogtay ka biyo diiday amar ay siiyeen ciidamada booliiska ee saldhiga joogay sida wararku sheegayaan.

Is rasaaseyn ayaa dhax martay ninka hubeesan iyo ciidamada booliiska, waxaana goobtaasi ku geeriyooday ninkii hubeesnaa oon wali la garan heebtiisa sidoo kale aan la ogaan ujeedka uu saldhiga u aaday.

Xaalada magaalada Dhuusomareeb ayaa saakay ah mid degan, waxaana socda baaritaano ku aadan dilka ay ciidamada booliiska u geesteen ninka hubeesan ee la sheegay in uu doonayay in uu xoog ku galo saldhiga booliiska.

 

Related posts

Somaliland iyo Puntland oo maanta is dhaafsaday Maxaabiis dagaal (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dalkii ugu horeeyey ee ka tirsan Yurub oo ku biiray dacwada Israel kaga furan Maxkamada ICG

Caydiid Ali

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo kulan xasaasi ah yeeshay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---