Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo lagu dilay Kismaayo iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in xalay magaaladaasi kooxo hubeesan ku dileen nin horey uga tirsanaa saraakiisha Al Shabaab balse markii dambe kasoo goostay.

Rag biskoolado ku hubeesnaa ayaa toogtayĀ Cumar Daqal oo oo loo yaqaan (Taqiyudiin) xili uu masaajid kasoo baxay, waxaana goobta dilka ka dhacay ka baxsaday ragii hubeesnaa ee dilkaasi fuliyay.

Ninkan la dilay ayaa horey uga tirsanaa saraakiisha Al Shabaab u qaabilsan dhinaca dacwada, waxaana markii dambe ninkan kasoo goostay Al Shabaab isagoona isku soo dhiibay maamulka Jubbaland ee ka taliya Kismaayo.

Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada dilka loo geestay Cumar Taqiyudiin , waxa ayna Al Shabaab ku sheegeen ninkan in uu Sirdoon u ahaa Mareykanka sidoo kale xubin ka ahaa Wasaarada Amniga maamulka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaan wali ka hadlin dilkan magaalada Kismaayo loogu geestay sargaalkan horey uga soo goostay Al Shabaab, waxaana ciidamada amaanka Jubbaland wadaan howlgalo ay ku raadinayaan ragii dilka ka dambeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano taageersan Gudoomiye Jawaari oo digniin cusub soo saaray (Shir Jaraaid)

Caydiid Ali

John Mahama oo mar kale loo doortay Madaxweyne kana adkaaday xisbigs NPP

Cabdi Cade

Shimbir kunool Afrika oo qofkii dila lagu xukumayo Xabsi Daa’in (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---