Maxay Al-Shabaab ka tiri weerarkii Madaafiicda ahaa ee ka dhacay xarunta Xalane?

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerar loo adeegsaday madaafiic oo lagu qaaday xerada Xalane oo degaan u ah xafiisyada hay’adaha caalamiga iyo safaarado.

War ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in duhurnimadii maanta ay dagaalyahanada Xarakadu weerar qorsheysan ku beegsadeen xerada Xalane, ayna ku dhufteen ugu yaraan 9 gantaal.

Sarkaal ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Xarakada Al-Shabaab u sheegay in qaar ka mid ah gantaallada ay ku dhaceen xafiisyada QM iyo midka AU islamarkaana uu halkaas ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

“Lix ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Ajaaniib cadaan ah ayaa lagu dilay duqeynta, 5 kale oo saddex ka mid ah la sheegay inay ahaayeen shaqaalaha cadaanka ah ee ka howlgala xeradaasi.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ugu yaraan todoba ruux ay ku dhaawacmeen madaafiicdaas, kuwaasoo iskugu jira askar ka tirsan ciidamada AMISOM iyo shaqaale rayid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -