Haweeney Dil aad looga naxay ka geesatay Wajaale iyo Sababta keentay oo la ogaaday

Dil dad badan ka argagaxeen aadna loo hadal hayo ayaa xalay ka dhacay magaalada Wajaale ee gobolka Gabiley, kadib markii haweeney maseersan si arxan daro ah u dishay ninkeedii hore.

Sida aan wararka ku helnay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray  Maxamuud Ow Jaamac ayaa xalay fiidkii xili uu dhax socday Suuq kuyaala magaalada Wajaale waxaa weerar lama filaan ah kusoo qaaday xaaskiisi hore.

Haweeneyda maseersan ayaa la sheegay in toorey la dhacday ninkeedii hore xili ay la socotay Xaas cusub uu guursaday , waxaana haweeneydan toorey ku dishay ninkeedi hore halka ay dhaawac gaarsiisay xaaskiisa .

Dilkan iyo dhaawaca ayaa salka ku haya arimo maseyr ama hinaaso ka dhashay, waxaana ninka la dilay dhawaan xaaskiisa cusub kasoo guursaday dalka Itoobiya arintaas oo sii kordhisay maseyrka hayay haweeneyda dilka geesatay.

Ciidamada amaanka maamulka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay haweeneyda dilka iyo dhaawaca geesatay, waxaana falkan argagaxa leh ay geesatay haweeneydan maseersan aad uga naxay dadka ku dhaqan magaalada Wajaale.

Dilal salka ku haya maseyr ayaa marar badan ka dhacay qeybo kamid ah Soomaaliya, waxaana la sheegaa in maseyrka uu yahay cudur halis ah oo gala dadka qaarkood sababana waxyeelo xanuun badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -