Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ay kala wataan Gudoomiye iyo kuxigeenkiisa ka dhacay …

Wararka ka imaanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta halkaasi ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan masuuliyiin katirsan maamulka Degmada Wanlaweyn.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dagaalka oo ka dhacay xaafado katirsan degmada Wanlaweyn uu u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn Maxamed Siidow Yaxye & Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee degmadaasi.

Wararka laga helayo degmada Wanlaweyn ayaa sheegaya in dagaalka u dhaxeeyay masuuliyiinta degmada uu ka dhashay khasaaro, inkastoo aan wali si dhab ah loo ogeyn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay.

Masuuliyiin, saraakiil iyo Odayaal ku sugan degmada Wanlaweyn ayaa lagu soo waramayaa in ay kala dhax galeen ciidamada dagaalamayay ayna ka shaqeenayaan sidii xaalada loo dejin lahaa.

Dagaalka ka dhacay degmada Wanlaweyn ayaa la sheegay in uu salka ku hayo khilaaf dhinaca maaliyadda gaar ahaan canshuuraha laga qaado degmada oo u dhaxeeyay Gudoomiyaha Degmadaasi iyo kuxigeenkiisa oo dhawaan lasoo magacaabay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -