Al Shabaab oo Fagaare ku toogatay Masuul ay sheegeen in uu katirsanaa Maamulka …

Al Shabaab ayaa shalay galab Fagaare kuyaala deegaanka Fiidow oo kuyaala xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe waxa ay ku toogteen nin Oday ah oo lagu eedeeyay in uu katirsanaa maamulka Hirshabelle.

Ninka la toogtay oo lagu magacaabayay Cali Cabdullaahi Xasan oo 82 sana jir ah ayaa Al Shabaab ku eedeeyeen in uu ahaa guddoomiyaha xaafadda Buula Sheekh ee magaalada Jowhar.

Maxkamada Al Shabaab ayaa sheegtay in ninkan oo gacanta kusoo dhigeen ciidankooda uu qirtay dambiyada lagu soo eedeeyay ee ahaa in uu xubin ka ahaa maamulka Hirshabelle, waxaana Maxkamada ninkan ku riday xukun dil ah oo shalay lagu fuliyay .

Al Shabaab ayaa marar badan deegaano iyo degmooyin ay maamulaan waxa ay ku toogteen dad lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin maamulada dalka ka jira iyo dowlada federaalka iyo dad kale oo iyana lagu eedeeyay in ay basaasiin ahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -