Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyihii Golaha Wakiiladda Somaliland oo is casilay isaga oo jooga magaalada …

Guddoomiyihii Golaha wakiilladda maamulka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa warbaahinta u sheegay in uu iska casilay xilkii guddoomiyaha golaha wakiiladda, kursigii xildhibaannimo uu ku fadhiyay iyo sidoo kale xubannimadii xisbiga Waddani uu katirsanaa.

Siyaasigan ayaa magaalada Hargeysa uga soo tagay sidii uu xal ugu raadin lahaa colaada magaalada Laascaanood, waxa uuna ku guul dareestay dedaalo uu waday, isagoona ugu dambeyn go’aansaday in uu iska casilo xilkii uu hayay .

Is casilaada guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa kusoo aadeysa xilli maalmo kahor xeer ilaalinta Somaliland  golaha wakiiadda u gudbisay in la laalo xubinnimadiisa golaha wakiilladda , kaddib markii lagu eedeeyay in uu jabiyay dastuurka u degsan maamulka Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo la Gudoonsiiyey Abaalmarin caalami ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo soo bandhigtay Ergo Xildhibaano kusoo doortay Baydhabo iyo Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka gaarka ah ee NISA oo howlgal uu dhiig ku daatay xalay ka fuliyey Sh/hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---