Madaxweyne Donald Trump oo Ilhan Cumar ku weeraray Gobolkeeda

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donlad Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Gabadha asalkeeda Soomaaliga yahay ee Ilhan Cumar Cumar oo katirsan aqalka Koongareeska Dalka Mareykanka .

Donald Trump oo xalay taageerayaashiisa kula hadlayay gobolka laga soo doorto Ilhan Cumar ee Minnesota ayaa mar kale dhaleeceeyay Xildhibaanada, waxa uuna ku eedeeyay in Ilhan u damqato kooxaha argagaxisada ah sida Al Qaacida.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Trump in Ilhan Cumar masuul ka aheyd hadalo naceyb ah oo ka dhan ah dadka Yahuuda ah, waxa uuna ku eedeeyay Trump dadka Minnesota in ay doorteed qof aan u damqaneyn.

”Ilhaan waxay wax aan weyneyn kasoo qaadday weeraradii 11-kii September ee lagu dilay 3000 oo qof oo dadkeena ka mid ah, oo ay tiri ‘dad baa wax iska sameeyey, sidee qof noocaas ah uu idinkugu matali karaa Minnesota, aad ayaan idinkugu careysnahay dad yahow. Sharaf dhac ayey ku tahay dalkeenna.” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa marar badan weeraro afka ah ku qaaday Xildhibaan Ilhan Cumar oo katirsan Xisbiga Dimuquraadiga, waxa ayna Ilhan inta badan beenisaa eedeemaha uga yimaado Madaxweyne Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -