Xariga Wasiir Janan oo la sheegay in ay ka dhalan karto Cawaaqib xumo

Maamulka Jubbaland ayaa mar kale ugu baaqay dowlada federaalka Soomaaliya in si shuruud la’aan ah xabsiga uga sii deyso Wasiirka Amniga Maamulkaasi Cabdirashiid Janan oo ku xiran Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu baaqay dowlada federaalka in ay soo deyso Wasiirka Amniga Jubbaland uu sheegay in si sharci daro ah ugu xiran yahay dowlada.

Waxa uu sheegay Maxamuud Sayid Aadan in Jubbaland ay leedahay maxkamada kala duwan ayna xaq u leeyihiin qof walbo oo wax tabanaya in uu ka dacwoodo Maxkamada Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in cawaaqib xumo ka dhalan doono xariga Wasiir Janan hadii aysan dowlada federaalka si deg deg ah oo shuruud la’aan ah xabsiga uga sii deyn.

“Haddii ay jirto cid cabasho qabto waxaa haboon in maxkamadaha Jubbaland ka dacwoodaan, dowladda Federaalka ay wasiirka iyo mas’uulka kale ee halkaasi ku hayaan xorriyaddooda iyo sharaftooda dib usoo celiyaan, niyad xumo ayaa ka imaaneysa, kala qeybsanaan baa ka imaaneysa, cawaaqib xun baa ka dhalanaya” ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland.

Hadalka kasoo yeeray Maamulka Jubbaland ayaa kusoo aadaya xili labo maalin kahor Maxkamada gobolka Banaadir lasoo taagay Wasiirkii amniga Jubbaland iyo Sargaal kale kuwaa oo loo heesto falal dambiyeedyo ka dhacay gobolka Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -