Allbanaadir.com
NEWS

Iska hor imaad xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw iska hor imaad xoogan oo u dhaxeeyay ciidamo la sheegay in ay kawada tirsan yihiin dowlada Soomaaliya uu ka dhacay xaafada Siliga Ameerikaanka ee Degmada Wadajir gobolka Banaadir.

Sida aan Wararka ku heleyno iska hor imaadka ayaa ka dhashay guryo la sheegay in la bur burinayay, waxaana saakay ciidamo hubeesan oo wata gaadiidka dagaalka tageen xaafado kuyaala meel ku dhaw Siliga Ameerikaanka.

Ciidankan ayaa la sheegay in bur burin ku bilaabeen guryo kuyaala dhul la isku heesto, waxaa iska hor imaad kala hor yimid ciidamo kale oo katirsan dowlada iyo Maleeshiyaad hubeesam kuwaa oo kasoo horjeeday bur burinta loo geesanayay guryaha.

Rasaasta ayaa hada joogsatay inkastoo mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah, waxaana jirta cabsi laga qabo in mar kale labada dhinac uu iska hor imaad ka dhax bilowdo.

Lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkan oo mudo daqiiqado ah socday,  waxaana ciidamo katirsan dowlada ay wadaan bur burin ay ku sameenayaan dhulka la isku heesto.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha iska hor imaadkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xagee ku Dambeysay Amiiradii u dhalatay Imaaraadka ee baxsatay ?(Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Shir Xasaasi ah oo looga arinsanayo Go’aankii Golaha Shacabka oo Muqdisho ka socda

Cabdi Cade

Shiikh Shariif: “Masiirka ummadu uma afduubnaan karo ashkhaas kursiga inay sii joogaan raba”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---