Xagee ku Dambeysay Amiiradii u dhalatay Imaaraadka ee baxsatay ?(Daawo Sawirro)

Warbaahinta caalamka kuwooda ugu afka dheer ayaa hadal heysa sawiro laga soo qaaday Amiirad Sheikha Latifa uu dhalay Madaxa magaalada Dubai sidoo kale ah Ra’isul Wasaaraha dalka Imaaraadka  Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum.

Sheikha Latifa ayaa in mudo ah muuqeeda la arag kadib markii ay isku dayday in reerkeeda ka baxsato, waxaana lasoo qabtay xili ay ku safreysay dooni nuuca dheereeyaha ah ay ku baxsaneysay.

Amiirada ayaa si qasab ah loogu celiyay magaalada Dubai kadib markii laga soo qabtay meel ku dhaw dalka Hindiya, waxa ayna xiligaasi dooneysay in reerkeeda ka baxsato si ay u hesho nolol xur ah.

Dowlada Imaaraadka ayaa horey u dafirtay in Sheikha Latifa ay baxsatay, waxaana war kasoo baxay dowlada Imaaraadka lagu sheegay in xur tahay Amiirada ayna si caadi ah ula nooshahay qoyskeeda.

Sawiro  Sheikha Latifa ay la gashay Mary Robinson, oo ahayd goddoomiyihii hore ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul Insaanka, oo horayna u soo noqotay madaxweynaha dalka Ireland ayaa si weyn Warbaahinta u faafisay una hadal heysaa.

Waxaa la sheegay in sawirkan lagu qaaday magaalada Dubai 15-kii bishan December, waxaana sawirka muujinayaa in Amiirada ay ku nooshahay magaalada Dubai ayna xur tahay .

Amiiradan u dhalatay Imaaraadka ayaa horey u sheegtay in sababaha ay u baxsaneyso qeyb ka tahay in aysan xuriyad heysan, waxa ay sidoo kale sheegtay in dhibaatooyin isugu jira xarig iyo jirdil loo geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -