Howlgal Khasaaro badan sababay oo laga fuliyay Cabdalla Biroole (Daawo Sawirada)

Ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in howlgal gaar ah ka fuliyeen deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 55-KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Saraakiisha ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa sheegay intii howlgalka socday ay guulo ka gaareen ayna dileen dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab ay ku jiraan saraakiil.

Abaanduulaha Guutada 1-aad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Khiyaar Cabdi Maxamed ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalka laga fuliyay deegaanka Cabdalla Biroole ku dileen ku dhawaad 20-xubnood oo Al Shabaab katirsan.

Khiyaar Cabdi ayaa sheegay xubnaha howlgalka lagu dilay in ay ku jireen madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa deeganada galbeed ee Kismaayo iyo madaxii Miinooyinka oo lagu kala magacaabi jiray Tasmiir iyo Cadaani .

Abaanduulaha ayaa sheegay in gacanta ku hayaan ciidamada Jubbaland deeegaanka Cabdalla Biroole iyo deegaano kale oo ku dhaw dhaw, waxa uuna ka gaabsaday in uu ka hadlo khasaaraha dhankooda kasoo gaaray howlgalka.

Maamulka Jubbaland sheegashadooda marka laga soo tago ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijinaa warkan kasoo baxay Saraakiisha Jubbaland, Al Shabaab ayaana dhankooda ka hadlin howlgalkan la sheegay in khasaaro badan lagu gaarsiiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -